Erdogan
qarax xooggan oo goor dhow laga maqlay Wadada Maka Al-Mukarama
Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgoyska Dabka, gaar ahaan goob maqaaxi ah oo laga cunteeyo.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaa la sheegayaa in gaariga qarxay wadada dhinaceeda la dhigay, halka warar kale sheegayaan in gaariga qof waday oo maqaayada lagu dhiftay.
Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka ay waxyeelada soo gaartay.
Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa, waxaana uu geystay burbur xoog leh oo soo gaaray goobaha uu ka dhacay.
Topics: qarax, muqdisho, somalia
Last update on March 28, 4:42 pm by Erdogan.
1 people like this.